Adeegga soo dhawaynta dhijitalka DigiVOK

Xarunta soo dhaweynta ee Dhijitalka ah wexey ku taallaa meel kasta oo aad joogto. Kaamka Dhijitalka ah waxaad ku qabsan kartaa wax yaabo madan: tusaale inaad qaab fogaan arag ah ula hadasho shaqaalaha caafimaadka, kuwa arimaha bilsha ee sooshiyal-ka hadii loo baahdana turjubaan waa laguugu qaban karaa.

Yaa isticmaali kara DigiVOK?

DigiVOK waa adeeg kuu gaar ah haddii aad tahay macaamiisha xarunta kaamka ee Luona.

Kaamka Dhijitalka ah wuxuu ku shaqeeyaa qalab kasta oo leh kamarad iyo makarafoon oo leh internet xawaare sare leh kaas oo sahli kara in videocall leeska asoo waco.

Isticmaalaha Kaama Dhijitalka ah waa inuu deganyahay Finland, adeegaan sidoo kale wuxuu ku shaqeynayaa adeeggan Wi-Fi.

Adeegyada laga heli karo DigiVOK?

Adeegaan waxaanu kugu kaqabaneynaa la talin guud iyo hagis dhameystiran oo aad ka helilahayan xarumaha kaamamka: Tusaale lacagta kaamamka laga bixiyo, su’aalaha la xiriira deganaashaha, caafimaadka iyo dhamaan wax kastaa oo la xiriira nolol maalmeetka.

Caawimada lacaged ee billaha ah ee kaamka laga qaatto waad ka xareysan kartaa DigiVOK yacni qab online ah, hadii ay kugu adagtahaya inaad timaado xarunta kaamka xaalad caafimaad darteet ama inaada usoo safarto kaamka ay kugu qadaneyso 2 saac iyo wixii ka badan si aad lacagta uxareeysatto waa ka soo xareysan kartaa nidaamkaan dhijitalka ah.

Goorma ayaa adeegga la heli karaa?

Xirfadlayaasha caafimaadka iyo adeegga bulshada waxaan kasoo wici kartaa luuqqa balan ama balan la’aan waan soo garaaci kartaa inta udhexeyso Isniinta ilaa Jimcaha:

Caafimaadka: 09:00 – 14:00
Latalin iyo hagis: 09:00 – 14:00
Dadka ka shaqeeyo lacag bixinta iyo adeega arimaha bilshada: 09:00 – 10:00

Hadii aad adeegaan DigiVOK is ticmaasho maalmaha aan shaqada la joogin, isla markiba wuu kuu soo jeedinaayaa inaad balan qabsato.

Sidee loo isticmaalaa DigiVOK?

Fur qeynta chatbot-ka DigiVOK ee geeska hoose midig ee boggan

Dooro luqaddaada

Dooro arrimahaaga ama su’aashaada (caafimaadka, lacagta, iwm)

Qeybta wada sheekeysiga waad kula hadli kartaa qoraal ahaan english ama finnish.
Naga soo wac si toos ah ama qabso ballan.

Su'aalaha Badanaa La Weydiiyo

Waxaan qabsaday balan.Sideen ku imaan kara wakhtiga balanta.
Haddii aad ballan qabsatay, waxaad heli doontaa saddex iimayl (iyo fariimo qoraal ah): xaqiijin iyo 2 xusuusin. Xaqiijinta waxaa laguugu soo diri doonaa isla marka aad qabsato ballanta. Xusuusinta koowaad waxaad heli doontaa 26 saacadood ka hor ballanta, tan labaadna – 15 daqiiqo ka hor inta aan muuqaalka laguugu soo wicin. Dhamaan qoraalada kuusoo dhacay wey leeyihiin linki ama meel aad farta ku riixdo si kulanka video-ga uukugu furmo.

Sidee ayaan u kansali karaa balan aan qabsaday?
Tag ama booqo fariimihii kuu soo dhacay ee xoojinta ahaa. Kadib, guji ama riix linki-ga “Kansal ballanta”.

Shaashadda sugitaanka waxaaa ka muuqdo qoraal sheegaya. Nidaamku wuxuu raadinayaa Turjubaa. Maxay tahay inaan sameeyo?
Hadii nidaamka uu soo qaban waayo turjubaan muddo 5 daqiiqo oo sugitaan ah, isku day markale 5-10 daqiiqo ka dib amaba boos qabso.

Su’aalo Kale Oo Ku Saabsan Arrimaha Farsamada Adeegga?

Fadlan ha ka labalabayn inaad nala soo xiriirto adigoo adeegsanaya iimaylka: digivok@luona.fi haddii aad la kulanto dhibaatooyin markaad gelayso ama aad qabtid arrimo farsamo kale.

Waxaan si joogto ah uga shaqeynaynaa horumarinta adeeggeena, waxaana si weyn u qadarin lahayn ra’yi-celintaada ku saabsan DigiVOK iyo waxyaabaha kale ee aad rabto in la hirgeliyo.